Bogga Ila Qosol
My Homepage | Bogga Sawiradda | Tafsiirka Quranka | Bogga Fariimaha | Igala Soo xiriir | Wararka iyo Somali Links | Bogga Kartoonka | Bogga Sheekooyinka | Bogga Ila Qosol | Maahmaahyo | Bogga Cayaaraha | kaamadda Qarsoon

Dhaqtar iyo nin xanuunsan
Nin baa maalin dhakhtar u tegey isagoo u sheegay dhakhtarka inuu xanuunsanayo. Dhakhtarkii ayaa ninkii baadhitaan ku sameeyey su'aalana weydiiyey si uu u ogaado inuu ninkan cudurka haya iyo noociisa.uu bal helo Dhakhtarkiise wuxuu dareemay in ninkan uu hayo wax la yiraa cuqdad nafsi ee uusan cudur kale hayn. Wuxuuna dhakhtarkii ninkii ku yiri "Waxaan kugula talinayaa inaad iska dhaadhicisid inaadan xanuusanayn markaas ayaad bogsan doontaa". Ninkii ayaa yidhi "Waa hagaag dhakhtaroow", oo inuu tago isku dayey, markaas baa dhakhtarkii yidhi "Waar ninyahow lacagtii baadhitaanka isii". Ninkii baa yidhi "Dhakhtaroow, adiguna iska dhaadhici inaan lacagtii ku siiyey

  Qosolku yaanu kaa dhamaan Gaalaan dileynaa, waa qiso dhacday. hadda ka hor ayaa nin waayeel ah guursaday inan 15 sanno jir ah. markii gabadhii guriga loo keenay odeygii waayeel ahaa, ayuu wuxuu garan waayay siduu gabadha ugu tagi lahaa, inley waa gabadh oo yar oo aan oqooninba sidey ragga iyo dumar isu galmadaan. odeygii waayeel ahaa ayaa sidaa habeenkii ku qaday oo gabdhii la seexan. maalin dambe ayuu fekeray, markuu la yimid sheeko cusub. gabadhii oo jikada ku jirta intuu u yeeray ayuu ku yiri, kaalay caawo gaalaan dileynaa. iyadoo garaneynin wuxuu ula jeeda ayay tiri gaaladee dilnaa, oo xagee bay joogtaa gaalada? markaasuu intuu u soo dhawaaday yiri, habeen weliba oo aan isu tagno kun gaal ayaan dileynaa. gabadhii ayaa tiri haddii aan gaalba dileyno habeen weliba waan sameyneyaa. odeygii waayeel ahaa ayaa sidaas cadkiisii ku goosta. markuu habeen weliba sameeyay ayuu tabar beelay. galab casir ah isagoo ku dhex jira odiyaal badan ayay gabadhii u yeertay odigeydii kaalay hee xaaji gaalaan dileynaa. asagoo naxsan, inley waxaad bartay waa baaskaagee ayuu yiri Siyad Cabdulle Xasanba gaalo seef wuu ku laan waayay, ma anagaan gaalo laay karno.

http://www.youtube.com/watch?v=p6Y5dpwzcuU
 

 
http://www.youtube.com/watch?v=1uB5AcPuH80