1. Aadme la aragyaaba, dhib la arag.
2. Aan wada hadalno waa aan heshiino.
3. Aar qoyey dacawo la mood.
4. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
5. Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.
6. Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay.
7. Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki.
8. Abgaal calool la deguu leeyahay, ee cidhif la dego ma leh.
9. Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa
10. Aburku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa
11. Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa.
12. Abuur iyo waano abuur baa horreysey.
13. Adduun i khatal.
14. Adduunyo ka kabo li'id, aakhirana u salaad li'id.
15. Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo.
16. Adhi jiri ma kala abaal waydo.
17. Adhi jiri xil bay wadaagtaa.
18. Adhi magantii ma barriiyo.
19. Adhi shidho laga daayo.
20. Adhi-jiri ma kala abaal weydo.
21. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.
22. Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari.
23. Aduun wey ki amoodeey ogaaw.
24. Af aamusani marti ma sedo.
25. Af aanad aqooni aabahaa wasna waa kaa yeedhsiiyaa.
26. Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho.
27. Af aanad lahayn lama qabto.
28. Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo' ha ku daaqdo.
29. Af daboolan dahab.
30. Af Daboolan, Dahab waaye.
31. Af hadlaaba aamus.
32. Af jabtay sideedii ma noqoto.
33. Af jooga looma adeego.
34. Af macaan gacan macaan baa dhaanta.
35. Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa.
36. Af noolina waa hadlaa eyna waa ciyaa.
37. Af waa kane, maxaa lagu aamaa
38. Af wax cunay xishoo.
39. Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur).
40. Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan.
41. Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.
42. Af-ka nool abooto mudac.
43. Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal.
44. Afkaagoo ku xidha oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa.
45. Afkii dab yiri ma guban.
46. Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto.
47. Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog.
48. Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro.
49. Alla aamin ma iisho.
50. Alle watow wehel uma baahna.
51. Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin
52. Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.
53. Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe
54. Ama faro dufan leh ku qaad ama faro dac leh.
55. Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay.
56. Ammaan lama dhu-dhumiyo.
57. Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.
58. Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa.
59. Amxaar la arag yaaba ferenji xaaji.
60. Amxaaro madax gumac galay leedahaye madax hadal galo ma laha.
61. Aqal libaax lafo lagam waayo.
62. Aqoon la'aani waa iftiin la'aan.
63. Aqoon xumo abaar ka daran(qorsho xumo abaar ka daran)
64. Arin nin la toosan ayaa nin kale tuur la leh.
65. Aroos lagama raago, lagumana raago.
66. Arrad waa dan uskagse waa doqonniino
67. Arrimo rag waa mudacyo afkood.
68. Arrin aan sidii futo riyaad la feydin, ma fayoobaato.
69. Arrin kaa tagtat Ahaa sooma celiso.
70. Arrin waa mid kugu soo booddiyo, mid kugu bariday.
71. Arrin xumo abaar ka daran
72. Atoorku intiisuu guun ku yahay.
73. Awr awr wado iyo nin naagi waddi midna kaama leexdaan.
74. Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun.
75. Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay
76. Awrka danbe awrka hore socodkiisuu leeyahay.
77. Ayax teg eedna reeb
78. Ayaydaa taag darran iyadoon tabar lahayn bay dadka isku taagtaagi.
Maahmaaho Xarafka B
1. Baadi nin aan lahayn bay agjoogtaa
2. Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa.
3. Baareey guur, oo sixnigaagana la guur.
4. Baddu waa isku dhadhan.
5. Badhi mag ma laha.
6. Balaayo laba qad ha kuu jirto.
7. Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha.
8. Balaayooy buulkaagaa laga galaa.
9. Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay.
10. Ballaysin bir ka adag.
11. Ban waraabiyo gaala baqataba baraa la helaa.
12. Bannaankaba arkaayow maxaa babac ku saaraaya
13. Bannaankiis mare maradiisa geed ma qabsado
14. Baqal fardo la miratay dhigood bay is moodaa.
15. Barasho horteed dad ha nicin
16. Barasho horteed ha i nicin
17. Barasho u yeelo geedkaad cugsan doonto.
18. Bari waaga mooyee wax san kama yimaadaan.
19. Barrooriba buulkeeday ku hartaa.
20. Bartii yaqaan, bari uma korodho.
21. Bartii yaqaannbar xoolaad kuma korodho.
22. Baruur qudhuntay baa baruuro badan qudhmisa.
23. Baruuro sabool, badhaadhaa leh.
24. Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa.
25. Baryo iyo is daluuc layskuma daro.
26. Basari buulkeeda bayaayo waaye
27. Baso waa baso si kastoo loo subko.
28. Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan.
29. Beec-mushtar bilowgiis bur iyo bajiye waaye.
30. Been doode been buu dhaartaa.
31. Been fakatay runi ma gaadho.
32. Beeni raad ma leh.
33. Beentaada hore runtaada danbay u xuntahay.
34. Beentaada hore, runtaada dambey dishaa.
35. Beentaada hore, runtaada danbey u daran tahay.
36. Beer wax dhalow ba'
37. Beerka jecli, xaydha jecli.
38. Belaayo aanad guriga keensan banana kaama raacdo.
39. Belaayo guur bay ku tiraahdaa ama guurso.
40. Belaayo hor la qabtay leedahay ee dabo la qabto ma leh.
41. Belaayo kaa sii jeeda layskuma soo jeedsho.
42. Belo markay adiga kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku maqan tahay
43. Bidaari sibiq bay kugu gashaa.
44. Bilaysini Bir ka adag
45. Bililiqo doon waa nabad diid.
46. Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalena kuuma geyso
47. Bir baa bir goysa.
48. Birta adag dab ayaa lagu jilciyaa.
49. Bisayl iyo ceedhiin waxa u dhexeeya waa yac-yacood.
50. Bisqin rag bay kuu gaysaa ragse kaama celiso.
51. Biya sar tegey waa la sugayaa
52. Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan.
53. Biyo ay horotood dhooqo tahay, dabadooda maxaad mooday.
54. Biyo gorore oo meel godan bay isugu tageen.
55. Biyo meel godan bay isugu tagaan.
56. Biyo sacabbadaadaa looga dhergaa.
57. Biyo socdaa biyo fadhiyey kiciyaan.
58. Boqol sano oo dawlad xumo ah, hal habeen oo dawlad la'aana baa xun.
59. Boraan hadimo ha qodin ku dhici doontaa mooyee.
60. Buubaal biyaha korkiisa saran buu ka didaa
61. Buur caws ah oo biyo ku agyaal baadi doonyoo biciidkuba waa
62. Buurta Saw iyo Sogsogley iyo Samow Boorame
Maahmaaho Xarafka C
1. Caana daatay qabasho ma leh
2. Caano baqay haddaad aragto, waa bi'iso naagood.
3. Caano Jiilaal canba canbid.
4. Caano yar iyo ciidan yarba marka la waayo ayaa la tebaa.
5. Caasigaa iridkaaga ma mooga, baarri dadow dad kuuma noqdo.
6. Cabaabiba cadaab bay ka subxaanalaysataa.
7. Cadawgaa looma taahee, tun ku adkay.
8. Cadho walaal waa la bariyaa (waa loo dulqaataa walaalkaa).
9. Cadku ceeji, xil iyo geeriba kuu dil.
10. Calafkaa, nin ku rabaa baa haya.
11. Caleen qudhac calool geel ma buuxiso.
12. Caleen qudhac calool geel waxba kama tarto.
13. Cali noolba wax sii.
14. Calool adayg waa illaahay wehelkii.
15. Calool rag waa webi xagaa.
16. Canaan ka yaab ceesaan ma doojo(waa lagu canaanan dantaada looma seego).
17. Canaan ka yaab reer ma doojo.
18. Canbe laf baa ku jirta.
19. Canjeero siday u kala koreysaa loo cunaa
20. Caqli gaaliyo indho quraanjo lama arko.
21. Caqli: Dugaag sankuu ka galay; Xoolo, sankuu ka galay; Rag, xabadkuu ka galay; Naago, indhuu ka gala
22. Car faruurow foori gaalee?
23. Carab iyo ilkaa cid isugu dhaw iyana weeys qaniinaan.
24. Carab iyo labadiisa daan baa isugu dhaw iyana way is qaniinaan.
25. Carab loaad caws looma tilmaamo.
26. Caro walaal waa la bariiyaa (subax baa lala sugaa).
27. Carraabo, fadhaa quusiyey
28. Carrab dalab leh waa la gartaa, uur dadbanse lama garto.
29. Carruurey cayntaa ba´day.
30. Carruuri kor cabsooday leedahaye, kal cabsooda ma leh
31. Carruurta mulaca cayaar cayaar bay u dishaa, isagana waa u qur gooyo
32. Caruur gaalana ma aha muslinna ma aha ee waa kii lagu daraa.
33. Caruuri waa ciil laga waynaado.,
34. Casaan qurux kama qatana.
35. Casarkii wixii kugu dhacaa cishihii lagugu caayaa.
36. Ceeb looma dhinto, cara lalama qarxo, cayna looma dhaawacmo
37. Ceebtaaday kow ogtahay, kun looma sheego.
38. Ceel biyo lihi ma foga.
39. Ceel dad liqa, ul baa lagu dayaa.
40. Ceesaan ninkii weyddiinteda kugu dhiba kaxaynteedaa lagu dhibaa.
41. Ceesaantii arigeeda diidda orgi shisheeyaa saarta (fuula, u baxa ama ka qabsada).
42. Cid wax kusiisa wax badan baad aragtaa, cid kla talisase wax yar
43. Cidlo ciirsi m leh.
44. Ciirtaa dhamaa, ceebtaada yaqaan
45. Ciise socod kuma laabna, abeesona samir kuma laabna.
46. Cirmigaagoo dheeraadaa geel dhalayana waa ku tusaa.
47. Ciyaar baa dhab u gadoonta.
48. Ciyi waa ka beryey.
49. Ciyigii waa ka beryey qofkii cunay baa ka liita.
50. Ciyowga habeen dhawaaqay wax uu ka cawduu dareemay.
51. Col hortii baa hub la samaystaa.
52. Col iyo abaar cagahaagaa lagaga baxaa.
53. Col iyo nabad mid baa caynka lagu xejiyaa.
54. Col ku galay cabsi kugu reeb.
55. Col naago ka kacay iyo cadho nirig ka kcday midna ma sahal kuma qaboobo.
56. Colka wadhaf ma lagu dayey.
57. Colkaa ma dhamaadee ka kuu xigo ha u danbeeyo.
58. Cudud caano gaabsheen cagaar ma korsho.
59. Culimo dad u eki bay kugu dishaa, abeesona dhul u eki.
60. Cuntadaan gacantaada ku jirin iyo afkaagu way kala raagaan arow luuq marow lazim laamigaas kusoo dhacaa.
Canjeero sii u kala koreeso aaloo kala qaataa.
Kabo kaa weyn dhiiqo ay kugu farjiyaan.
Khamro hadaas cabtid, marqaan aad noqohee
Jidka tartiib aaas loo maraa, hadiis kale baa buur asku dhecee.
Kastuumo kaa weyn jinkaa maahin.
Xanjo buufis ilmaha ma u roono.
TipTop badan hergeb aas lee yahay.
Qorax kuleel ookiyaalo madow u gasho.
Rafaad raaxo aaka dambeesaa.
Ibnu Adam is waayi arinaa kala geesi.
Been ha sheegin, haddii sheegeesid neh aniga ha iisheegin.
Wixii soo wadid iyo webiga yaa weyn.
Lama qaawan ma is xumbaarto.
Hiilis hilib aas u baahan yahay.
Af daboolan dahab waaye.
Far keligeed fool ma dhaqdo.
Xanfar haddii jiro samsamaaniko haku wareegin.
Maanyo meehii laga galo dhanaan waaye.
Muufadaada aa maraq kuugu jirtaa.
Banaankiisa maroow maradiisa bood ma qabsato.
Jini ninkii keeno aa bixiyaa.
Naarbo naar kale ay ka ashahaadataa.
Nin tuur leh sii u jiifto usaa yaqaanaa.
Wareer cawo waaloo waa' bariistaa.
Ishiis laga arkaa ushiisa lagu tumaa.
God walaal ha qodin haddii qodeesid neh ha dheereenin, ku hoobatidaa Alla og.
Adeeg ma cabsado, ninkiisaa cabsado.
Af joogo maloo adeego.
Aabo kan yar iga celi kan weyn anaa iska celihaayo.
Dhalin foolka ay ku taalaa.
Haddii xanaaqdid funaanadaada maka badaheesid.